Askari Lagu Dilay Magaalada Beledweyne Ee Bartamaha Somalia.

Rag hubeysan waxey askari ka tirsan dowlada Ridada ku dileen qeybo ka mid ah degmada Beledweyne oo ah xarun gobalka Hiiraan,iyadoona faahfaahin laga helayo dilka askarigaasi.

Ragga hubeysan waxey askariga ku dileen agagaarka Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne waxeyna askariga ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in askarigaasi isla goobta ku geeriyooda.

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka askarigaasi waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee fuliyay dilkaasi horay usii qaateen qorigii uu ku hubeysnaay askariga ay dileen.

Saacadihii lasoo dhaafay ayeey aheed markii sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin askari ka tirsan dowlada Farmaajo ku dileen qorigii uu watayna kaga qaateen gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Calamada.com

108 total views, 2 views today