Maxkamada Wilaayada Islaamiga Sh/hoose Oo Xad Fulisay.

Fagaara weyn oo ku yaala degmada Kurtunwaarey ee gobalka Shabeelada hoose waxaa ka dhacay Xad ka mid ah Xuduuda Allaah kaasi oo ay fulisay maxkamada Shareecada Islaamka ee Wilaayadaasi.

Xukunkan oo ah Xaddu Zinah waxaa lagu fuliyay Cabdi Axmed Abuukar oo si xoog ah kaga Zineystay mid ka mid ah Gabdhaha ku dhaqan degmada Kurtunwaarey.

Fagaaraha Xadka uu ka dhacay waxaa soo xaadiray Qeybaha Bulshada ku dhaqan degmada kuwaasi oo usoo daawasho tagay fulinta Xadkaasi.

Cabdi Axmed Abuukar oo aanan guur soo marin ayeey Maxkamadu ku xukuntay Boqol Garbaash,Qaalin Geel iyo Hal Sano oo Musaafurin ah,waxaa goobta fagaaraha xukunka ka aqriyay Qaadiga Maxkamada Islaamiga ee degmadaasi.

Calamada.com

272 total views, 3 views today