Dil Qorsheysan Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye.

Rag hubeysan waxey weerar qorsheysan ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose dilkaasi oo laga helayo faahfaahin dheeraad ah.

Dilkan waxaa loo adeegsaday askari ka tirsan Sirdoonka dowlada Ridada kaasi oo lagu magacaabi jiray Abuukar Qaasim Mayow oo ku magac dheeraa Abuukar Toshiba,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin askarigaasi Jaajuuska ah ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta ku quurxabo Murtadkaasi.

Dilkan waxa uu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ay ku dileen hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Farmaajo kuna gubeen Labo gaari oo Cabdi Bilayaal ah waxeyna kusoo furteen oo ay ku qaniimeysteen gaari Tikniko ah oo ay laheed dowlada Ridada.

Sidoo kale dilkan waxa uu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ay ku kala dileen Suuqa Bakaaraha Muqdisho iyo magaalada Beledweyne kuwaasi oo ay sidoo kale ka qaateen Labadii Qori ee ay ku hubeysnaayeen.

Calamada.com

756 total views, 7 views today