Sawiro+Dhageyso Saddex Askari Oo Hubkooda Kala Soo Goostay Maamulka Axmed Madoobe.

Maamulka Islaamiga Magaalada Jilib ee Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa soo bandhigay Saddex askari Towbadkeenayaal ah kuwaasi oo kasoo goostay maamulka Gaala raaca Axmed Madoobe.

Askartan Towbadkeenayaasha ah ayaa kasoo goostay saldhiga maleeshiyaatka maamulka Murtad Axmed Madoobe ee deegaanka Buulo gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo,waxeyna Saddex-dan askari lasoo goosteen Hubkoodii ay ku dagaalamayeen.

Askartaaan oo wareysi ay la yeelatay Idaacada Islaamiga Ah ee Andalus waxey sheegeen iney si aad ah ugu faraxsanyihiin iney Allaah u towbadkeenaan kana soo baxaan safka Gaalada iyo Murtadiinta kuna soo biiraan Safka Muslimiinta.

Sidoo kale askartaan ayaa xusay in xaalad adag oo cabsi ah ay heysato maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe ee ku sugan deegaanka Buulo gaduud waxeyna cadeeyeen in maleeshiyaatkaasi habeen iyo maalin aysan seexan sababo ku aadan weerar culus oo kaga yimaada dhanka Shabaabul Mujaahidiin.

Halkan Ka Dhageyso Askarta Isa Soo Dhiibtay.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada.

Calamada.com

 

524 total views, 3 views today

Comments are closed.