Sawirro: Dalka Kenya Oo Yeeshay Madaxweynihii Labaad iyo Odinga Oo Caleymo Saaray.

Kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday fagaare weyn oo kuyaal magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa madaxweynaha cusub ee shacabka wadankaas loogu caleema saaray Railla Odinga.

Boqolaal kun oo kamid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa isugusoo baxay fagaarayaasha magaalada Caasimadda ah waxayna ku dhawaaqayeen Erayo cusub oo ay ku taageerayaan dhaarinta madaxweynaha labaad ee Kenya yeelatay.

Odinga oo khudbad ka jeedinayay fagaaraha munaasabadda caleema saarka ah ay ka dhacaysay ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha wadanka iyo ammaanka wuxuuna carrabaabay in uu madaxweyne u yahay shacabka Kenya isagoo dhaleeceeyay xukuumadda Uhuru Kenyatta.

Ciidamo katirsan Booliska ayaa xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Nairobi balse taasi saameyn kuma yeelan taageerayaasha odinga iyo munaasabaddii lagu caleema saarayay.

Doorasho ku celis aheyd oo sanaddii lasoo dhaafay ka dhacday Kenya ayay qaadaceen kooxaha mucaaradka waxayna guusha Uhuru Kenyatta ku tilmaameen mid sharci darro ah oo ku timid ku shubasho iyo awood ciidan.

Image may contain: 1 person, crowd and outdoor
Supporters cheer as they wait for Kenyan opposition leader Raila Odinga at Uhuru Park in Nairobi on 30 January 2018






467 total views, 1 views today

Comments are closed.