Diyaarad Mareykanka Kaga Soo Dhacday Gobalka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi ay kusoo dhacday diyaarad ay leedahay dowlada Saliibiyadda Mareykanka.

Diyaaradan oo ah noocyada duuliye la’aanta Dronka Basaasta ah ayaa kusoo dhacday duleedka magaalada Kismaayo,iyadoona faahfaahin laga helayo diyaaradaasi.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ayaa la xaqiijiyay iney gacanta ku dhigeen diyaaradaasi Mareykanka kaga soo dhacday duleedka magaaladaasi.

Diyaaradan ayaa noqoneysa Diyaaradii Labaad oo Bishan gudaheed dowlada Saliibiyada Mareykanka kaga soo dhacda duleedka Kismaayo waxaana diyaaradii Tan ka horeysay iyaduna gacanta ku dhigay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Calamada.com

315 total views, 1 views today

Comments are closed.