Waziir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo La Dhaawacay.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi lagu dhaawacay Wasiir ka tirsan maamulka gaala raaca Puntland.

Waziirka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Murtad Axmed Saciid Cabdi oo ah Wasiiru dowladaha Wazaarada Dekadaha ee maamulka Ashahaado la dirirka Puntland,iyadoona warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka loo dhaawacay wasiirkaasi.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Wasiirka oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah wadada Gaaca ee magaalada Boosaaso rasaas lagu furay taasi oo ka haleeshay Wasiirka dhanka Gacanta iyo Feeraha.

Axmed Saciid Cabdi oo dhaawiciisa culusyahay ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Boosaaso,waxa uu falkan wasiirka lagu dhaawacay kusoo aadayaa xilli maalmo ka hor magaalada Muqdisho uu ku qurbaxay Cabdi Nuur Cilmi Qaaje oo ahaa Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland.

Calamada.com

192 total views, 1 views today

Comments are closed.