Sawiro Dufcad Cusub Oo Ka Qalin Jabisay Mucaskarka Cumar Bin Khadaab.

Imaarada Islaamiga Ah ee Afghanistan ayaa soo bandhigtay Dufcad cusub oo ka qalin jabisay mid ka mid ah Mucaskaraatka Imaarada islaamiga.

Dufcadan Cusub ayaa ka qalin jabisay Mucaskarka Cumar Bin Khadaab oo ku yaala Wilaayada Qanduuz ee Waqooyga dalka Afghanistan waana ciidan cusub oo kusoo biiray safka ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan.

Warbaahinta Imaarada Islaamiga ayaa baahisay sawirada Dufcadda cusub ee ka qalin jabisay Mucaskarta Cumar Bin Khadaab waxeyna Warbaahinta Imaarada faafisay ciidamadaasi oo dhoola tus ballaaran kusoo bandhigaya dusha sare Barafka xoogan ee caanka ay ku tahay wilaayada Qunduuz.

Dhawaan ayeey aheed markii sidoo kale Dufcad cusub ay kasoo qalin jabisay Mucaskarka Abuu Bakar Al-sadiiq oo ka mid ah Mucaskaraatka ugu waaweyn Imaarada Islaamiga.

Labadan  Dufca ee ka qalin jabisay Labada Mucaskar ee kala ah Abuu Bakar Al-sidiiq iyo Cumar Bin Khadaab ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan dowlada Saliibiyadda Mareykanka ay shaacisay in Tirada ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay aad u korotay islamarkaana gaartay(60,000) Lixad Kun oo askari oo Mujaahidiin ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Dufcada Ka Qalinjabisay Mucaskarka Cumar Bin Khadaab.

Calamada.com

1,195 total views, 4 views today

Comments are closed.