Sawirro: Xaflad Lagu Soo Xirayay Kulankii Salaadiinta Jubbooyinka.

Xaflad lagu soo gabagabaynayay kulan iyo dowro muddo sideed maalin ah uga socotay degmada Jilib salaadiinta wilaayada Jubbooyinka ayaa lagu qaybtay qaybo ka mid ah degmadaasi, kulankan salaadiintu waxay ku doorteen Naqiib cusub oo hogaamin doona dhammaan odayaasha dhaqanka beelaha dega Jubbooyinka.

Sidoo kale xafladda waxa odayaasha abaal marin gudoonsiisay wilaayada jubbooyinka oo kasoo qayb gashay xafladda, waxana halkaasi odayaashu ay ka akhriyeen bayaan ku wajahan ummadda Soomaaliyeed kaasi oo meelo badan taabanayay, sida cadowga soo duulay, xaalufinta geedaha, dalaga beeraha, caafimaadka xoolaha, nabadaynta iyo wax badan oo kale.

 

Daawo Sawirrada.


 

539 total views, 11 views today