Qarax Ka Dhacay Magaalada Beledweyne Ee Gobalka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah magaaladaasi uu ka dhacay qarax khasaara dhaliyay.

Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Goob Isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada oo ku taala dhanka Bari ee magaalada Beledweyne,iyadoona qaraxan loo adeegsaday Miinada noocyada Rimuudka laga hago.

Dhawaaqa qaraxa Miino waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne,waxeyna goob joogayaal xaqiijiyeen in qaraxan uu sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay maleeshiyaatkii Murtadiinta ee goobta isbaarada ku sugneed.

Isbaaradan qaraxa lala beegsaday ayaa aheed isbaaro maleeshiyaatka dowlada ay si aad ah ugu dhibaateenyaan dadk iyo gaadiidka isaga kala goosha magaalada Beledweyne iyo deegaanada hoostaga magaaladaasi.

Calamada.com

182 total views, 1 views today