Qarax Gaari Gaashaaman Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Sh/dhexe.

Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Burundi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada dhexe ee Konfurta dalka Somalia.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka degmada Balcad,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo hoostaga degmadaasi.

Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa haleelay gaari Taw ah oo qeyb ka ah gaadiidkii ay wateen kolanyada Burundeyska ee qaraxa lala beegsaday,waxeyna Miinada burburisay gaarigii Taw-ga ee qaraxa uu haleelay.

Sidoo kale qaraxan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Burundeyska ee la socotay gaariga Gaashaaman ee miinada ay haleeshay waxeyna kolanyadan qaraxa lala beegsaday ka baxeen degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe kuwaasi oo ku sii jeeday dhanka magaalada Muqdisho.

Calamada.com

197 total views, 1 views today