Muxamed Tima Cadde Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ka fuliyeen weerar qorsheysan oo lala beegsaday sarkaal ka tirsan dowlada Ridada.

Weerarkan qorsheysan waxa uu sigaar ah uga dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaaladan Muqdisho,iyadoona faahfaahin laga helayo weerarkan saaka ka dhacay gudaha degmada Wadajir.

Ragga hubeysan waxey weerarkan ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka Farmaajo kaasi oo lagu magacaabi jiray Muxamed Timo Cadde waxa uu sarkaalkan la dilay ahaa Tababare ka tirsan saraakiisha Tababarayaasha ah ee dowlada Ridada.

Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo mudooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah saraakiisha dowlada federaalka.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

339 total views, 1 views today