Mu’asasada Al-Kataa’ib Oo Soo Gudbinaysa Fariin ay Dirayaan Maxaabiis Kenya Looga heysto Soomaaliya.

Filed under: News |

alkaMu’asasada Al’kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lafilayaa in saacadaha soo socda ay soo bandhigto Filim maqal iyo Muuqaal ah oo ku saabsan maxaabiis dowladda Kenya looga heysto Soomaaliya.

Barta Twitter-ka ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu baahiyay Ogeysiis kooban oo ku aadan in uu soo bixi doono Filimkan oo ay kasoo muuqan doonaan maxaabiis dowladda Kenya looga qabtay howlgal ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Bishii  July sanaddii 2012 kusoo qabteen howlgal ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Warka kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dowladda Kenya lagu yiri “waa in aad u dhega nuglaataan Fariinta ay gudbinayaan Maxaabiista”.

Naga Suga Filimka ay soo saari doonto  Mu’asasada Al-Kataa’ib