Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa sanadka dhamaaday ee 2018-da fuliyay weeraro gaaraya 10638 howlgal oo lagu beegsaday ciidamada NATO iyo kuwa xukuumadda dabadhilifka Kaabuul, camaliyaadkaas 31 kamid waa istish-haadiyo ay fuliyeen naftood hurayaal.
Askarta NATO ee sanddii lasoo dhaafay Afghanistan lagu dilay tiradoodu waa 249 askari waxaana ubadan ciidamo American ah halka 153 askari ay dhaawacmeen.
khasaaraha ugu badan wuxuu howlgallada xoogaggaTaliban kasoo gaaray ciidamada xukuumadda kaabuul oo sanad gudihiis laga dilay 22594 askari, ciidamadaas ayaa isugu jira,boolis,kumaandoos,sirdoon iyo canaasir maleeshiyaad ah oo dhammaantood dowladda dabadhilifka Afghanistan udiiwaangashan, dhaawaca ciidamada afghanistaaniyiinta ah ayay Taliban ku sheegtay in ay gaarayaan 14063 askari.
Gaadiidka gaashaaman ee mujaahidiintaTaliban ay cadowga ka gubeen sanaddii lasoo dhaafay 2018 ayaa gaaraysa 3613 gaari kuwa gaashaaman ee Hoomfiiga loo yaqaan iyo sidoo kale nuucyada Ranjarka iyo aalado kale oo reergalbeedku ay Afghanistan geeyeen si muslimiinta loogula dagaallamo.
Ciidamada qaabilsan difaaca cirka mujaahidiinta ayaa kaalin libaax leh ka qaadanaya dagaalka waxaana usuurtagashay in 12 bilood gudahood ay dhulka soo dhigaan 26 diyaaradood oo 8 kamida ay ahaayeen kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan sidoo kale 17 diyaaradood nuuca Helicopters-ka ayaa lasoo riday oo qaarkood ay ahaayeen kuwa ciidamada xambaara ee casriga ah.
461 total views, 2 views today