Amiirka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab, Shaykh Abuu Cubeydah Axmad Cumar -Xafidahullaah-Â ayaa jeediyey Kalimad muhiim ah oo uu kaga hadlayo xaalada uu ku jiro dalka iyo guud ahaan Caalamka Islaamka, Islamarkaana xambaarsan fariimo kala duwan oo ku wajahan dadka Muslimiinta, Mujaahidiinta Caalamka, dadka ku dhaqanka Wilaayaatka Islaamiga iyo libaaxyada ribaadhka kaga jira bariga Africa ee dagaalka kula jira cadowga saliibiga ah ee soo duulay.
Kalimadan oo cinwaankeedu yahay “Shahaada ama Shariicah” ayaa ah Kalimad Video ah oo soconeysa muddo 44 daqiiqo ah, wuxuuna sheekhu ugu horeyn Umadda ugu hambalyeeynayaa Munaasabadda Ciidda, ka dibna wuxuu soo hadal qaadayaa marxalada ay maanta ku jiraan Muslimiinta duulaanka cadowtooyo kala kulmaya gaalada caalamka.
“Ugu horeyn waxaan halkaan hambalyo ugu direynaa dhamaan dadka muslimiinta meelwalba oo ay dunida kaga sugan yihiin, gaar ahaan mujaahidiinta furimaha dagaalka joogta sida Afghanistan, Jaziiratul Carab, Maghribul Islaam, Shaam, Qowqaaz iyo goob walba oo ay Mujaahidiintu ku sugan yihiin. Sidoo kale waxaan hambalyo iyo salaam u direynaa hogaanka mujaahidiinta oo uu ugu horeeyo Amiirkeena, AShaykh Al-Mujaahid Ayman Ad-Dawaahiri –Xafidahulllaah- Waxaana dhamaantood leeyahay ciid Mubaarak. Allaha idinka aqbalo cibaadadii soonka ee aad la timaadeen iyo qiyaamkii iyo dikrigii rabbi ee aad la timaadeen” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeydah Xafidahulllaah.
Intaas ka dib Amiirka ayaa si kooban ka hadlay xaalada guud ee Muslimiinta kuwaas oo uu sheegay in maanta ay ku hoosjiraan gumeysi ba’an oo kaga imaanaya Yahuud, Nasaaro iyo Mulxidiin balse wuxuu rajo fiican ka muujiyey in ay soo baxeen dad baraarugsan oo u istaagay Jihaadka wadada Alle si ay isaga difaacaan duulaanka horarka ah ee cadowga.
Hardanka Ka Socda Soomaaliya
Shaykh Abuu Cubeydah ayaa intaas ka dib soo hadal qaaday xaalada uu maanta marayo dalka Muslimka ah ee Soomaaliya, Isagoona si aad ah ugu dheeraaday gumeysiga cusub ee uu ku jiro wadanka iyo ujeedooyinka uu damacsan yahay cadowga doonaya in qabsado dalkan, sidoo kalena boobo kheyraadka iyo hantida dadka Muslimiinta.
“Hadaan u soo laabto dhanka Soomaaliya, Waxaa la wada ogsoon yahay wixii dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dhulkaan ay soo mareen, laga soo bilaabo gumeysigii saliibiyiinta, la soo maro xukuumadihii is-xigay ee mabaadii’da gaalada dalka ku dhaqi jiray ilaa laga soo gaaro hogaamiye-kooxeedyadii murtadiinta ahaa ee Mareykanku adeegsanayey, lagu soo khatimo gumeysiga cusub ee uu hadda wadanka ku jiro. Dhamaan xamlooyinkaas kala duwan waxaa ka hortagay dad Mujaahidiin ah oo saadiqiin ah oo kaga hortagay af iyo adinba sidan Allaah ka rajeyneyno” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Jihaadka ay maanta ku jiraan Mujaahidiinta uu yahay mid soo jireen ah oo u dhexeeyey xaqqa iyo baadhilka, islamarkaana uu yahay Jihaadkii ay waalidiinteena la soo galeen gaaladii hore. “Marna ma dhicin in dadka Muslimiinta ah ay is dhiibaan. Jihaadka aan maanta ku jirnana wuxuu la xiriiraa, Imtidaad iyo dhameystirna u yahay Jihaadkaas soo jireenka ah ee ay awoowayaasheen iyo Aabayaasheen kula soo jireen gaaladii xilligooda joogtay, Anaguna gaalada hadda joogta oo ah caruurtii ay dhaleen kuwii awoowayaasheen la soo dagaalameen ayaan jihaad kala soo horjeednaa sidaas ayeyna xaqqa iyo baadhilka marwaliba isaga soo horjeedaan ilaa qiyaamu saacah” ayuu yiri Amiirka.
Fariinta Ku Wajahan Umadda Soomaaliyeed
Sheekha ayaa aad ugu dheeraaday ka hadalka marxalad adag ee uu ku jiro wadanka, wuxuuna diray fariimo dhowr ah oo uu kula hadlayo dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed, Culimadooda, Ganacsatadooda, iyo aqoonyahanadooda, wuxuuna ku booriyey in ay indha firfircoon ku eegaan gumeysiga cusub ee uu ku jiro wadanka, Islamarkaana lala dagaalamo cadowga doonaya in wadanka uu qabsado.
“Anigoo ka faa’ideysanaya fursadan, waxaan halkaan ka dirayaa fariimo dhowr ah, waxaana Allah weydiisanayaa towfiiq iyo toosnaan. Fariinta koowaad waxay ku socotaa Umadda Soomaaliyeed. Umadyahay waxa la heysto waa dhulkiina, waxa la xasuuqayo waa ubadkiinii iyo maatadiinii, waxa la boobayo waa hantidiinii iyo khayraadkiinii, waxa ciidamada saliibiyiinta ah dalka loogu soo daabulayo waa in aad isdhiibtaan oo aad gumowdaan, ka dibna wixii ay damacsanaayeen la idinka fusho, Yaanan la idinku qaldin magacyada qurxoon ee saliibiyiintu u bixinayaan ciidamada ay dalka ku soo qufayaan sida waxa ay ugu yeeraan nabad ilaalin iyo wixii la mid ah oo kale. Waxaad ogtihiin hogaamiye-kooxeedyadii murtadiinta dhiig-miiratada ahaa ee idiin halakeeyey kuwii aas-aasay ee abaabulay ee mas’uulka ka ahaa ayaa maantana lagu sheegayaa nabad ilaalin” ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata, lana hadlaya dadka Soomaaliyeed ayuu yiri: “Maalinkaad hogaamiye kooxeedyadii la jihaadeen, ee aad iska dulqaadeen dulmigoodii iyo tacadigii ay ku hayeen bulshada ee Allaahna nabad idinku siiyey jihaadkii iyo nafhurkii aad la timaadeen ayaa Itoobiya la idinku soo hogaamiyey. Markaad jihaad kala hortagteen lagu qasbay in ay lug uga baxaan dhulka Muslimka ah, waxaa la idinku soo hogaamiyey ciidamo African saliibiyiin ah oo ay taageerayaan Mareykanka iyo gaallo oo dhan. Waxay u yimaadeen ma ahan in ay nabad ilaaliyaan ee waa in ay Itoobiyadii Alle jabiyey ay garab iyo gaashaan u noqdaan”
Xeerka Ay Ansixisay Xukuumada Ridada Ah
Wuxuu sheegay in maantana gaalada ay keensadeen maamul riddo ah oo wadanka u gacan geliyey gaalada, sidoo kalena Akhlaaqdii iyo dhaqankii wanaagsanaa ka fasaadiyey Umadda, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday qaanuunkii faaxishada badnaa ee dhawaan ay ansixisay kooxda ridada ee baneynayey in raggu isguursan karaan, dumarkuna cudad tirsan karin.
“Waxaa intaas sii dheer in Xukuumada ridada ah ee Muqdisho ka jirta ay ansixisay shuruuc Akhlaaq kasta oo wanaagsan oo Umaddan lahayd tirtireysa, baneyneysana Anshax-xumo halka ugu sareysa, Waxay ansixiyeen wax xitaa ay ka xishoodeen, kana hor yimaadeen dowladaha Kirishtanka ah qaarkood” ayuu yiri Sheekha.
Faragelinta Turkiga Ee Soomaaliya
Mar uu soo hadal qaaday marxalada dhaqaale ee uu ku jiro dalka ayuu sheegay in maanta wadanka uu ku jiro hoos u dhac xagga dhaqaalaha ah meeshii ugu liidatay Islamarkaana Xukuumada ridada ah ee ka jirta Muqdisho ay dhaqaalihii dalka u gacangelisay Shirkado Shisheeye taas oo keentay in uu hoos u dhac ku yimaado tacabkii beeraha, ka ganacsigii xoolaha iyo bagaashkii kala duwanaa. Wuxuu tilmaamay in shisheeyaha loo gacangeliyey dhaqaalaha wadanka ay hormuud u tahay Turkiga oo uu ku tilmaamay mindi sumeysan oo ku jirta gacanta gaalada NATO, laguna dhibaateynayo Muslimiinta.
“Waxaa shisheeya loo gacan geliyey dhaqaalihii wadanka hormuud u ah Turkiga oo xubin firfircoona ka ah xulifada saliibiyada ee NATO oo ah awood Military oo loo sameystay sidii Muslimiinta loogu gumaadi lahaa, Waxaana intaas sii dheer in ay horboodayeen duulaankii mareykanku uu hogaaminayey ee lagu soo qaaday Muslimiinta Soomaaliya sagaashameeyadii. 1993-dii, General Bir oo dhalashadiisu Turkey tahay ayaa ahaa taliyihii korkacayey ciidamadii huwanta ahaa oo ka koobnaa in ka badan 30,000 oo askari oo laga kala keenay ku dhawaad 36 dowladood” Â ayuu yiri Amiirka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab.
Wuxuu sheegay in maanta Turkiga uu gacanta ku dhigay ilihii dhaqaale ee wadanka sida garoonka iyo Dakada Muqdisho, islamarkaana uu Dakada ka ceyriyey in ka badan 5,000 oo shaqaale ah, sidoo kalena uu cunaqabateyn xagga gacansiga ah uu ku soo rogay ganacsatada Soomaaliyeed.
Maamulada Isku magacaabay Federal-ka
Sidoo kale, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab Sheekh Abuu Cubeydah wuxuu soo hadalqaaday maamulada lagu sheegay Federal-ka ee ay gaaladu soo dhiseen, Waxaana uu tilmaamay in maamuladas ay ka jiri doonin Soomaaliya, Islamarkaana jiritaankooda uu ku xiran yahay kaliya inta ay joogaan ciidamada Saliibyiinta ah.
“Maamulada ridada ah iyo waxa loogu yeero Fedaral-ka, ma ahan mana ahaan doonaan Insha’allaah wax Umadda Muslimka ah ee xalaasha ah ay aqoonsan tahay, Waxa hogaanka u haya nidaamkaas waa shaqsiyaad diintii Illahay ka baxay, jiritaanka maamuladoodana uu ku xiran yahay joogitaanka ciidamada gaalada. Waxa horkacaya waa niman lagu soo barbaariyey wadamada reergalbeedka saliibiga ah kuwaas oo diin la’aan iyo dhaqan xumo ku asteysan, waana calooshood u shaqeystayaal aanan diin, dal iyo dad midna aqoonin. Waa niman sharciga Alle sharci aanan ahayn diin ka dhigtay” ayuu yiri.
Isagoo warkiisa sii wata ayuu sidoo kale dadka Muslimiinta ugu baaqay in ay la jihaadaan gaalada ku soo duushay wadanka iyo murtadiinta dabadhilifyada u ah, Isagoona tilmaamay in sharafta iyo ciziga umaddan uu ku jiro jihaadka in ay u kacaan, sidoo kalena ay la dagaalamaan cadowga hororka ku ah diinta iyo dalka. “U istaaga Jihaadka oo la dagaalama Xabashida iyo Kenyaatiga Kirishtanka ah ee dhulkiinii horay u qaatay, inta hadda dhimana weli u soo hanqal taagaya, ka bari noqda Murtadiinta diintiinii iyo dalkiinii gadatay ee cadowga idiin dhiibtay. Allaah subxaanahu watacaalaa tala saarta sidaas ayeyna sharafta aduunyo iyo mid Aakhiraba noogu wada jirtaa” ayuu yiri.
Wilaayaatka Islaamiga – Aas-aaska Daarta Islaamka
Shaykh Abuu Cubeydah Wuxuu sidoo kale la hadlay Muslimiinta ku dhaqan Wilaayaatka Islaamiga kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo tusaale u ah mujtamaca Muslimiinta, iyo aas-aaska daarta Islaamka. “Ugu horeyn waxaa leeyahay Bulshada ku dhaqan wilaayaatka Islaamiga: Waxaad tusaale wanaagsan u tihiin mujtamaca Muslimka ah, waxaad hoos harsataan harka shareecada, waxaad hirgeliseen caqiidatul Walaa Wal-Baraa iyo in gaalada laga soocmo. Waxaad aas-aas u tihiin daarta Islaamka, waxaad dhib iyo dheef la qeybsateen wiilashiina Mujaahidiinta ah, waxaad hiil iyo garab u tihiin qof kasta oo madluum ah, waxaad suurad wanaagsan ka bixiseen midnimada iyo isku duubnida, Ogaadana shareecada Islaamka ayaa laga helayaa Amniga ay Umadenu raadineyso. Allaah waxaan idinkaga rajeynayaa guul iyo Khayr ee sabra Nasrigu wuu dhow yahay Insha’allaah” ayuu yiri Amirka Allaha xifdiyee.
Sidoo kale Wuxuu la hadlay mas’uuliyiinta Mujaahidiinta gaar ahaan Wullaada kuwaas oo uu ugu baaqay in ay u dhimriyaan dadka ay Mas’uulka ka yihiin, sidoo kalena u cadaalad falaan. “Si gaar ah waxaan fariin ugu dirayaa wulaadda (gudoomiyeyaasha Wilaayaatka Islaamiga) waxaana leeyahay: waajib ayaa idiin saaran iyo mas’uuliyad culus. Umaddu waxay idinka sugeysaa in nidaamka Wilaayaatka islaamiga ah la gaarsiiyo dalka oo dhan iyo dalal inagu xeeran. Waxaan idinku boorinayaa in bulshada muslimiinta ah aad u cadaalad sameysaan, u dhimrisaan, masaalixdooda xil iska saartaan. Kuwooda waayeelada ah waalid ha idiin noqdaan, kuwooda dhalinyarada ahna gacal iyo walaalo ka dhigta, da’yartana waalid u noqda oo gacan qabta. Ku dadaala in dadku diintooda bartaan, macaahida dardar geliya oo dowraadka sharciga ah joogteeya. Jahligu waa waxa umadaha dib u dhaca ku keena ee ka feejignaada, Cilmiga iyo caqiidada waa waxa umadaha hormarka u horseeda ee faafiya” ayuu yiri Shaykh Abuu Cubeydah.
Muslimiinta Bariga Africa
Marka laga yimaado gudaha Soomaaliya wuxuu Shaykh Abuu Cubeydah soo hadal qaaday Muslimiinta ku dhaqan bariga Africa gaar ahaan Kenya, Itoobiya, iyo Afrikada dhexe Wuxuuna sheegay in Mujaahidiintu aysan ilaawin dhibaatada, dulmiga iyo gumeysiga lagu hayo, islamarkaana loo aargudi doono dhamaan dadka Muslimiinta ah ee ku baxay gacanta cadowga oo ay ugu horeeyaan Culimada reer Kenya sida Shaykh Cabuud Rogo, Shaykh Samiir Khan iyo Shaykh Abuubakar Makaburi, Wuxuuna tilmaamay in cid waliba oo ka qeybgashay dilka culimadaas in Mujaahidiintu ay beegsan doonaan, xisaabtan adagna uu dhici doono waqti aanan fogeyn.
Wuxuu Muslimiinta ku nool bariga Africa ugu baaqay in ay hubka qaataan, lana dagaalamaan cadowgooda, midkooda Hijrada awoodana uu soo baxo uu uu yimaado mucaskaraatka Mujaahidiinta si uu kaga qeybgalo Jihaadka ka dhan ah cadowga Islaamka.
“Muslimiinta ku nool bariga Africa waxaan ugu baaqeynaa in ay hubka qaataan, bartaan funuunta dagaalka qeybihiisa kala duwan sida xarbul Cisaabaatka, dhalinyaradoodana waxaan leeyahay Laaya gaalada idiin dhow, waxba ha ula harina, toorey ama faas qofkii ku dili kara ha ku dilo. Gaari qofkii jiirsiin karana ha jiirsiiyo, Meeshaad ku aragtaan ku beegsada. Howlgaladiina rabi u kaashada, qarsoodidana ku dadaala. Ahdaaftana si gaar ah u xusha, Tajaarubtana ka faa’ideysta, Barakadeeduna waad arki doontaa Insha’allaah. Alle wuu idiin kaga hiilin doonaa cadowgiina hadaad asbaabta qaadataan, Mujaahidiintuna idiinma dayici doonaan. Mar aan fogeyn ayaad farxi doontaan, culeyska idiin heystana farxad u badalmi doonaa Insha’allaah” ayuu yiri Shaykh Abuu Cubeydah Xafidahullaah.
Fariinta Ku Wajahan Mujaahidiinta Bariga Africa
Amiirka ayaa sidoo kale la hadlay culimada Islaamka meelkasta oo ay joogaan, wuxuuna ugu baaqay in ay xaqqa cadeeyaan, sidoo kalena umadda ku hogaamiyaan wadada Jihaadka iyo Istish-haadka, isagoo dhanka kalena ka digay wadaad xumayaasha culimaa’usuuga ah ee cadowga u adeega, diintoodana ku badashay dhal-dhalaal aduunyo oo raqiis ah.
Ugu dambeyntii Kalimadda uu jeediyey Sheekh Abuu Cubeydah waxaa lagu soo gabagabeeyey dar-daaran iyo fariin saameyn leh oo uu u jeediyey Libaaxyada Islaamka ee ka halgamaya wadamada geeska Africa, kuwaas oo uu kula dardaarmay in ay sii wadaan Jihaadka, Ilaaliyaan midnimada Muslimiinta, sidoo kalena masiirada ka ilaaliyaan guluwiga iyo inxiraafka oo ah waxyaabaha fasaadiyah Jihaadka Umadda.
“Waxaad tihiin hormuudka ay Umaddu maanta iyo marwaliba fiirsaneyso. Howsha aad heysaan waa halka ugu sareysa ee diinta. Alle fadligiisa ka dib, Jihaadkiina ayaa maanta inta yar ee Umadda u ceynsan lagu keenay. Haddii aadan idinka ahayna sida wadamada qaar ayaa dadka soonka iyo salaadda si bareer ah looga joojin lahaa. Xijaabka dumarka Muslimaadka ah Jihaadkiina ayuu ku xiran yahay, Dugsiyada qur’aanka iyo masaajidu Jihaadkiina ayey ku faran yihiin. Fulinta shareecada Islaamka iyo faafinta caqiidada saxiix ah waxa suuralgeinaya nafhurkiina. Waa idinka cidda ku hor gudban ee fashilinaya weerarada xadka aan lahayn ee lagu soo qaaday Wilaayaatka islaamiga, hadduu yahay mid cirka ah, midka badda iyo mid dhulka ah intaba. Alle ha idinka aqbalo Jihaadkiina iyo Istish-haadkiina, dhaawiciinana Allaha bogsiiyo, asradiinana Allaha soo daayo. Waajibka idinka saaran diinta ilaalinteeda u sii laba kacleeya. Walaalihii inaga horeeyey xilkooda waa guteen. Balantiina wey oofiyeen. Ajarkoodana Allaah bay ku leeyihiin. Mas’uuliyada maanta idinka ayey idiin saaran tahay” ayuu yiri Amiirka Xafidahulllaah.
Wuxuu sidoo kale Mujaahidiinta kula dardaarmay in ay joogteeyaan weerarada ka dhanka ah cadowga, beegsadaan masaalixdiisa, sidoo kalena ku badiyaan weerarada dhabagalka ah ee lagu kala jarayo isu socodka sahaydooda. Wuxuuna ugu baaqay in aysan u aabayeelin tiradooda iyo tayadooda, Islamarkaana uu Mujaahid waliba isku dayo sidii uu dili lahaa gaal saliibi ah.
Kalimaddan uu jeediyey Amiirka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab Shaykh Abuu Cubeydah –Xafidahullaah- oo ahayd kalimad qiimo badan oo taabaneysa dhacdooyin muhiim ah ayaa waxaa ku lifaaqnaa Aayado qur’aan ah, Axaadiith, Nusuus kale oo sharci ah iyo muuqaallo kala duwan, Waxaana ay gudbineysay fariimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay in libaaxyada Islaamka ee geeska Africa ay weli ku taagan yihiin wadadooda iyagoo aan waxba badalin waxna leexinin, ayna sidoo kale diyaar u yihiin in ay sii wadaan masiirada Jihaadka iyagoo ilaalinaya cahdiga iyo balanta, sidoo kalena dhowraya dhiigga Shuhadadii wadada kaga hormartay.
Halkaan Ka Degso Kalimada Oo Video Ah. MP4
Halkaan Ka Dhageyso Kalimadda oo Cod Ah MP3 Tayyo Sare
Halkaan Ka Dhageyso Kalimada Oo Cod ah Mp3 Tayyo Dhexe
========
XIGASHO: Telegramka Idaacada Islaamiga Andalus
Calamada.com