Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ee Konfurta Somali ayaa sheegaya in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay wadada isku xirta deegaanada Biyo Cadde iyo Miir-taqwa oo wada hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeshay gaari Taw ah oo ka mid ahaa gaadiidkii ay shisheeyaha wateen kaasi oo la xaqiijiyay in waxyeela xoogan soo gaartay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay afar askari oo Burundeys ah afar kalane lagu dhaawacay kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Maalintii shalay ayeey aheed markii qaraxyo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay lagu gubay labo gaari oo ka mid ahaa gaadiidka dagaalka ee shisheeyaha.
Calamada.com