Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Askar Iyo Saraakiil Ku Dhaawacmay Shil Gaari Oo Kenya Ka Dhacay.
  • Allposts
  • Warar

Askar Iyo Saraakiil Ku Dhaawacmay Shil Gaari Oo Kenya Ka Dhacay.

calamada August 27, 2019 2 min read
58

Ugu yaraan inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa dhimatay, lix kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen gaari ay la socdeen ciidamo Police-ka iyo Mooto waday dad rakaab ah oo marayey wadada u dhexeysa deegaanada Kiyaaniyaaga iyo Riwaambiti oo ka tirsan gobolka Kirinyaga ee dalka Kenya.

Labada ruux ee dhimatay ayaa la sheegay inay ahaayeen rakaab la socday mootada, halka kuwa dhaawacmayna ay ahaayeen ciidamo ka tirsan Police-ka oo la socday gaariga shilka galay.

Shilka ka dib, dadka deegaanka oo careysan ayaa sameeyey dibad bax ka dhan ah Police-ka, iyagoo dab qabadsiiyey gaarigii ciidanka, waxayna darawalkii ciidanka ku eedeeyeen inuu si ula kac ah u laayey saaxiibadooda maadama uu si taxadar la’aan ah u kaxeynayey gaarig.

Ciidamada Police-ka ee ku dhaawacmay shilkaas ayaa la sheegay inay qabaan dhaawacyo halis ah islamarkaana qaarkood laga deyrinayo xaaladooda sida ay sheegeen saraakiisha Police-ka.

Saraakiisha ayaa badankood ka dhaawacmay madaxa, gacmaha iyo lugaha, waxaana la dhigay isbitaalka guud ee Kerugoya, halkaas oo laba ka mid ah lagu dhabiibay balse kuwa kale ayaa la sheegay inay xaaladoodu tahay mid halis ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in shilka uu yimid ka dib markii darawalkii kaxeynayey gaariga Police-ka uu ka baxay seedkii uu ku socday, islamarkaana uu ku dhacay mootada oo waday ugu yaraan saddex ruux.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in laba ka mid ah rakaabkii la socday mootada ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, halka midka kalena uu ka jabay id ka mid ah labada lugood, islamarkaana la dhigay isla isbitaalka la geeyey ciidamada Police-ka.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Xirtay Shirkad Isgaarsiineed.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Subaxnimo 26-12-1440 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.