Saacadihii lasoo dhaafay askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka waxa uu si bareer ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somali ugu toogtay ruux shacab ah oo ku sugnaay isgoyska KM4 ee degmada Hodan.
Ruuxa shacabka ee askariga ka tirsan maamulka Garguurte sida bareerka ah u dilay ayaa ka mid ahaa darawalada kaxeysa Mootada Bajaajta oo ah moota si aad ah looga isticmaala magaalada Muqdisho.
Askariga ayaa darawalka Mootada weydiistay lacag baad ah balse darawalka ayaa diiday inuu lacagta bixiyo kadibna askariga ayaa dhowr xabadood ku furay darwalka taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyooda.
Dilkan waxa uu qeyb ka noqonayaa dhibaatooyinka joogtada ah ee Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka ku hayaan dadka shacabka ee ku dhaqan goobaha shisheeyaha kaga suganyihiin Konfurta iyo bartamaha dalka Somali.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii gaalada soo duushay ay si bareer ah duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose ugu xasuuqeen tiro dad shacab ah oo gaari Hoomey la socday.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.