Ugu yaqaan 9 Askar oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo mas’uul katirsan maamulka gaala raaca ee isku magacaabay ‘Koonfur galbeed’ lala beegsaday.
Qaraxan ayaa lala beegsaday Cabdullaah Cali Watiin oo ah guddoomiyaha degmada Baydhabo ugu magacaaban maamulka Shariif Sakiin’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan qaraxaasi.
Gaari uu la socday guddoomiyaha Baydhabo ayuu qarax ku haleelay wadada xiriirisa deegaanka Awadiinle iyo magaalada Baydhabo waxaana qaraxa ku dhintay 5 Askari halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.
Gudoomiyaha qaraxa lala beegsaday ayaa la xaqiijiyay inuu si dirqi ah kaga badbaaday qaraxa la doonayay in isaga lagu dila’waxaa mas’uuliyadda qaraxaasi sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.