Geesi ka mid ah guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waabarigii hore ee saaka camaliyad Istish-haadi ah ku weeraray xero ciidan oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, Iyadoona camaliyadaas ay geysatay qasaare aad u xoogan.
Xeradan oo ku taalla agagaarka Dakada magaalada Muqdisho ayaa ah meel waayadii dambe lagu uruurinayey maleeshiyaad loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka magaalada inta lagu gudajiro waxa loogu yeero doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan magaalada.
Ku dhawad 100 askari oo ka tirsan waxa loogu yeero Police-ka ayaa ku jiray Xerada sida ay noo sheegeen ilo wareedyo kala duwan.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in weerarka lagu dilay ku dhawaad 30 askari oo murtadiin ah, laguna dhaawacay ku dhawaad 50 kale.
Wuxuu sidoo kale noo sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa maleeshiyaadka lagu abaabulayey halkaas oo loo diyaarinayey ilaalinta doorashooyinka soo socda.
Weerarkan ayaa yimid xilli maalintii shaley weerar midkan la mid ah lagu beegsaday xero ciidan oo maleeshiyaatka uu soo tababaray Mareykanka ku leeyihiin deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.
Xigasho Telegram-ka Radioandalus.
Calamada.com