Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowlada Ridada Jabuuti haweeney Muslimad ah ku kufsadeen gudaha degmada Jalalaqsi oo ka mid ah goobaha shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somali.
Labo askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ayaa la xaqiijiyay iney kufsi xoog ah kula dhaqaaqeen haweeney Muslimad ah oo xilligii ay kufsanayeen Safrineysay tiro xoolaha Ariga oo daaqsin ay u sii waday.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney si aad ah uga xunyihiin Kufsiga Murtadiinta Jabuuti ka geysteen gudaha degmadaasi.
Dhanka kale shacabka degmada Jalalaqsi ayaa xusay iney dhibaato xoogan ku qabaan ciidamada Jabuuti ee duulaanka ku jooga degmadaasi kuwaasi oo is hor’istaag ku sameeyay tacabkii baraha sanadkan ee degmadaasi.
Calamada.com