Ciidamada Yahuudda ayaa sheegay inay duqeeyeen laba bartilmaa-meed oo kuyaalla gudaha dhulka Suuriya iyagoo ka jawaabaya hoobiyeyaal kusoo dhacay qaar ka tirsan deegaanada ay Yahuuddu xoogga ku heystaan ee kuyaalla buuraha lagu magacaabo Golan Haaytis.
Wargeyska Haaratiz ayaa kasoo xigatay Meliteriga Sahyuuniyadda in Ciidamadu ay ka jawaabeen gantaalo looga soo tuuray gudaha Dalka Suuriya, iyadoona la sheegin wax khasaare ah oo ay sababeen gantaalahaasi.
Sidoo kale Bayaanka kasoo baxay Yahuudda laguma sheegin cidda iska leh bartilmaa-meedyada ay duqeeyeen haddii ay Yihiin Xoogagga Kacdoonka ee Dalka Suuriya iyo haddii ay ahaan lahaayeen goobo ay fahdhiyeen Ciidamada Maamulka Bashaar Al-Asad.
Ra’iisul wasaaraha Yahuud Gaalka lagu magacaabo Benyamii Netayahuu ayaa bishii April ee aan soo dhaafnay waxa uu qiray in diyaaradaha dagaalka ee Sahyuuniyada ay dhowr jeer duqeeyeen goobo kuyaalla dalka Suuriya, waxaana hadalkaas uu jeediyay xilli uu kormeerayay dhoolatusyo Meliteri oo Ciidamada Gumeysiga Sahyuuniyaddu ay ka fulinayeen Buuraha Golan Haaytis.
Bishii lasoo dhaafnay waxay diyaaradaha Yahuuddu ay duqeeyeen Xarumo Meliteri oo Maamulka Bashaar Al-Asad uu ku lahaa meelo ku dhow magaalada Ximis ee bartamaha dalkaasi.
Dhinaca kalena dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Xoogagga Mujaahidiinta Suuriya, iyo Ciidamada Bashaar Al-Asad iyo Maleeshiyaadka Shiicada ah oo ay taageerayaan diyaaradaha Ruushka ayaa waxay ka soconayaan Mandiqadda lagu magacaabo Al-Malaax ee Gobolka Xalab.
Mid ka mid ah dagaalyahannada Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah oo kasoo jeeda dhulka bilaadul Xarameyn ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa uu Camaliyad Istish-haadi ku galay Saldhig ay Ciidamada Nuseyriyadu ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay weerar culus oo ay qaadeen Mujaahidiinta.
Ciidamada Nuseyriyada iyo Kumanaan Maleeshiyaad Shiico ah oo taageero xagga cirka ah ka helaya diyaaradaha Ruushka ayaa isku dayaya inay qabsadaan goobaha ay Mujaahidiintu iyo Kacdoon wadayaasha ay ka maamulaan magaalada Xalab ee Waqooyiga dalka Suuriya, hase yeeshee waxay wajahayaan iska caabin xooggan, taas oo keentay inay sii wadi waayaan duullaankooda.