Roobab xoog leh oo ay barbar socdaan duufaanno iyo fatahaado ayaa Boqollaal ruux waxay ku dileen dalka Sri-lanka ee kuyaalla Koonfurta Qaaradda Asia, halka Boqolaal kun oo kalena ay ku khasbeen inay ka barakacaan guryahooda, waxaana musiibadani ay noqoneysaa tii ugu weneyd ee dalkaasi ku dhufata muddo 25 Sanadood ah.
Maamulayaasha Dalka Sri-Lanka ayaa waxay sheegayaan in illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen inkabadan boqol ruux, iyadoona la la’yahay dad ka badan 127 ruux oo kale. Barakac xooggan ayaa waxa uu ka socdaa Gobollada ay ku dhufteen roobabka iyo Fatahaadaha.
Inkabadan Laba boqol oo kun oo ruux ayaa la xaqiijiyay in roobabka dartood ay uga barakaceen magaalada caasimadda ah ee Clombo, waxaana tira koob ay Dowladdu soo saartay ay ku sheegtay in guud ahaan  tirada dadkii guryahooda ka cararay gobollada kala duwan ee dalkaasi inay kor u dhaafayaan 370 kun oo ruux.
Kumanaan ka tirsan Kooxaha gurmadka iyo Ciidamada Meliteriga ee Dowladda Sri-lanka oo ay taageerayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka ayaa ka qeyb qaadanaya howl-galka bad baadadaha ee soconaya, waxaana lasoo daad gureeyay kumanaan kun oo ruux oo ku noolaa meelihii ay roobabku ka da’een, halka kumanaan kalena ay weli ku jiraan xaalad go’doon ah.
Mas’uuliyiinta Xarunta Qaranka ee Musiibooyinka ee Dalka Sri-lanka waxay sheegeen in meelaha qaarkood ay hoos u dhaceen xawaarihii ay ku socdeen fatahaadaha, inkastoo ay tilmaameen inaan weli lagu dhawaaqi Karin in dadku ay kusoo noqdaan guryahooda.
Roobabkan xooggan ee ka da’ay Dalka Sri-lanka waxay billowdeen todobaadkii hore, waxaana lagu tilmaamay inay yihiin kuwii ugu darnaa ee dalkaasi ku dhufta muddo sanada a ah.