Xaalad cakiran ayaa laga soo sheegayaa magaalada Jubba ee Koonfurta Wadanka Suudaan, iyadoona halkaas ay dib ugu soo cusboonadeen dagaallo qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada daacadda u ah hogaamiyaha dalkaasi Selva Kiir iyo ku xigeenkiia Riyak Mushaar.
Dagaalka ugu culus ayaa maalintii shalay waxa uu ka dhacay Waddada isku xirta magaalada Caasimada ah ee Jubba iyo deegaannada kuyaalla Xuduudda Wadanka Uganda, waxaana lasoo sheegayaa in iska hor imaadyada soo cusboonaaday ay illaa iyo hadda ku dhinteen inkabadan 300 oo ruux, halka Kumanaan kalena ay ka firxadeen guryahooda.
Ciidamada daacadda u ah Selva Kiir oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka iyo gawaarida gaashmaan ee dabaabaadka ayaa waxay duqeyn culus ku qaadeen Saldhig Meliteri oo xarun u ah Riyaak Mushaar, taas oo ku taalla Mandiqadda lagu magacaabo Jabalu Kajuur oo qiyaastii Shan Kiilo-mitir duleedka kaga beegan magaalada Jubba ee Caasimadda Koonfurta Suudaan.
Safaaradaha Waddamada reer galbeedka ee kuyaalla magaalada Jubba ayaa gebi ahaanba albaabada loo laabay, iyagoona Muwaadiniintooda ugu baaqay inay si deg deg ah halkaas uga baxaan.
War kasoo baxay Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Jubba ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda Washitong ay billowday inay gebi ahaanba daad gureyso Diblumaasiyyiinta aan rasmiga ah aheyn ee ka jooga Wadanka Koonfurta Suudaan.
Dowladaha reer galbeedka ee uu hoggaaminayo Mareykanka ayaa Shan sano ka hor waxay ka shaqeeyeen in Koonfurta Suudaan ay noqoto dal ka madax banaan Suudaan-ta kale, hase yeeshee waxaa tan iyo xilligaasi halkaas ka taagan Xiisado siyaasadeed oo u dhaxeeya labada nin ee ugu sarreeya Maamulkaas gacan ku rimiska ah ee reer galbeedku ay soo dhoo-dhoobeen.