Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen fariisinka iyo difaacyada ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka degmada Buulo mareer ee gobalka Shabeelada hoose.
Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Buulo mareer oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka xalay uu socday inka badan saacad islamarkaana uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaay ee mudooyinkii dambe ka dhacay gudaha degmadaasi.
Dagaalkan waxa uu imaanaya xilli qarax askarta Kufaarta Afrikaanta lagula beegsaday agagaarka deegaanka Ceelwareegow ee gobalka Shabeelada hoose looga gubay gaari Taw ah.
Calamada.com