Ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa dagaal toos ah ku qaaday isbaaro iyo fariisin maleeshiyaatka dowladda Federaalka ay ka sameysteen deegaanka Calamada oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoona ay jirtaan khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo maleeshiyaatka Dowladda Ridada Somalia lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka ayaa si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo ku yaala inta u dhaxeysa degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada hoose iyo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ku dileen saraakiil iyo askar ka tirsan dowladda Federaalka waxaa weeraradaasi sidoo kale dowladda Ridada looga gubay gaadiid kala duwan.
Calamada.com
675 total views, 2 views today