Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey fiidkii hore ee xalay dagaal ku qaadeen mid ka mid ah fariisimaha ugu waaweyn ee maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay Warshadii hore ee Mutuleelka oo ku taala xaafada Suuqa xoolaha’waxaana warshadda ka dhacay dagaal muddo socday oo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha degmooyinka Hilwaa iyo Yaaqshiid’iyadoona si rasmi ah aan loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Habeenkii xalay ayeey aheed markii sidoo kale isku day dil uu ka badbaaday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlada Ridada kaasi oo lagu magacaaba Aadan Dhaayow kadib markii lagu weeraray hooygiisa oo ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho balse weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay afar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.