Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso+Akhriso Abwaan Cabdullaahi Somali Iyo Gabayga Kulbiyow.
  • Allposts

Dhageyso+Akhriso Abwaan Cabdullaahi Somali Iyo Gabayga Kulbiyow.

calamada February 6, 2017 3 min read
100

Kulbiyow_034Abwaan Wariye C/llaahi Yaasiin Jaamac Soomaali ayaa gabay ka tiriyay weerarkii sida ba’an loogu xasuuqay askarta Nasaarada Kenya ee dhawaan ka dhacay deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubbada hoose.

Abwaanka ayaa gabayga ku sharaxayo sida ciidamada Kenya loogu laayay weerarkaasi iyo sawiradii Mu’asasada Al-ktaa’ib soo bandhigay oo muujinaya meydadka askarta Kenya oo dhulka daadsan iyo Shabaabul Mujaahidiin oo ku dul Takbiirsanayo gaadiidka ciidamada Nasaarada Kenya.

Halkan Ka Dhageyso Gabayga Kulbiyow Iyo Abwaan Wariye C/llaahi Somali.

Halkan Ka Akhriso Gabayga Kulbiyow Iyo Abwaan C/llahi Somali.

Gabay inaan hadoodilo markaan hebinayee dooni,
ama aan higgaadiisa dhigo wow hal dayaaye,
maantana hogol shalay da’daan idiin hayaamaaye,
hayigiina xoojiyo murtida waan higaag furiye,

habka loo dabaalanahayo kaan horuu baranin,
ee huuri badweyn ula kacee u hunguri doonta,
halis buu wuxuu jiraa inuu hir maasheeye,

hamag hamag dagaal lagu galay iyo halbeeg liitta,
hambariirsi baa laga dhaxlaa hooda xumo weyne,
keeniyooy hanaf hanafti yo howtal hamagleynti,
Heer galbeedka hoosh dooni yo waxay hamsiiyaanba,
Hindisaha yahuudeed adoo soo hitiqinaaye,
Adna himilo gaar kuu ahayd aad hirgelineyso,
Higilkii ad muujiday iyo soo hil hiladkaadi,
Insha Allaahu muu hura hayo inuu hungoobaaye,

Hasheydii ninkii dhacay intay hogob u daaqeyso,
Ee intuu haruub culayo uu weliba haaneedsho,
Harya fiid hujuun baan wedaa haabashiyo leyne,
Inti igu hareereysan baan hoor ka qubayaaye,
xaqeygii intaan hanan hayo waan halgamayaaye,

Heeryada adoonsiga kuwii hora inoo saaray,
Hayinkaan rarayniyo kuwii hoygi naga qaatay,
Ee canshuur na heybinayay had iyo gooraale,
Gumeysiga hog noo qoday iyo weliba hoobaaqda,
Inaan halawda baas uga shubnaa waa haboon tahay’e,

Geesiyaal naftuudii huroo heelan bow tegaye,
Horin horin inteey ugu ugu galeen hoo la yiri maare
Hugunkiyo hilaaciyo higtiyo hararamtii yeedhay,
Hanqar wixi la moodaayiyo hoobiyiyo jiibki,
Holonkiyo hulaaqii baxay ee hawada aaday,
Alley lehe habkii aan la rabay Kenya loo hoday’e,

Kulbiyoow halaag baa ka dhacay hiirti waa beriye,
kufrigii hufbaa laga dhigay hamiga waalaaye
Intii ay hedoodii gashay laga hadaafsiiye,
Hilibkood wuxuu daadsan yahay meel habaas badane,
Haad iyo dugaag baa cunoo lagu hamuun gooye,
Waxa heyr ka soo baxa hayaa lagu hunqaacaaye,

Haraadiga orodkiisi baa howdka waajahaye,
Tan iyo haluuqey socdeen huufna waa dilaye,
Haragiyo cidihina way kala habaabeene,
Huraalana ilintiisu waa hililiqeysaaye,
Haar iyo cabaad buu ku daray aan hakana heyne,
Surwaalkina haleeyoo sidii geel habeediyaye,

Hanadnimadi uu sheega jiray waa huf iyo beene,
Inay habaru dhaanto midkaa hubanti weeyaane,
Hal abuur bartii muu lahoo waa hanfade jaane,
Helinkii kibaakuu sidii ugu hableeyaaye,
Kenyana hul buu geliyiyo meel hanfigu yaale,
Haadaan buu ka sii riday iyo hoobad qaab daran’e,
Anaguna kama hari karnee waa la halakeyn dheh,
Haarihii nagu yiiley baa sii hashaashuqey dheh,
Muslimiinta aad haysatoo kini haruufeysay,
Ingiriis dhulkuu kagu habaan haatan jirinaa dheh,

Intaasi hagaajee hadaan gabayga soo hoorsho,
gaaladu dhibkey nagu hayaan waan hinqanayaaye,
hendediyo mid hoosaasiyay nagu hareeyeene,
iyaguna madfac haadayay nagu hogaanshaane,
Gobanimo ninkaan haysanaa hoogayoo ba’ay’e,
Hadimo huqbaa lagu ogyiyo hoos inuu dayo’e,
Ha yeeshee hadduu hurudya oo uba hadaafeynin,
Weligii inuu soo helaa waa habeen tagay’e,
soomaaliyeey habis baa ka roon kaan hambaabirin’e,
Xaqiiqdii hashqooq laguma helo howl culeys badane,
Waa inaad halood dheer martoo una haraaddaaye.

Dhamaad.

Calamada.com

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Faafreebka Wararka. 09-05-1438 Hijri.
Next: Askarta Dowlada Federaalka Oo Suuqa Bakaaraha Dhac Ka Geystay.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.