Waxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Xabashida Itoobiya lagu gaarsiiyay weerar culus oo Maalintii Jimcihii Taariikhdu ku beegneed 12-Bisha Jamaadul Awal Sanadka-1440Hijri ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen wadada u dhaxeysa degmooyinka Baydhabo iyo Buur hakabo oo ka wada tirsan gobalka Baay ee Konfurta dalka Somalia.
Dhimashada Askarta Itoobiya ayey Tiradooda marysaa ugu (82) Sideetan iyo Labo askari oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo Baqtiyadooda laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaana loo qaaday dhanka dalka Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa muddo Labo Maalin ah xiray wadada isku xirta Baydhabo iyo Buurhakabo waxeyna Labadaasi Maalin wadadaasi ka wadeen Aruurinta iyo Baadi goobka meydadka firxadkii askarta Itoobiya ee lagu laayay weerarkaasi.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Weerarkaasi.
Calamada.com
1,830 total views, 4 views today