Labo maalin ka hor waxaa qeybo badan oo ka mid ah dhulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka maamusha Kofurta iyo bartamaha dalka Somali ka bilowday qeybinta Zakada Xoolaha nool oo Mujaahidiinta ay u qeybinayaan Fuqarada iyo Masaakiinta.
Gobalada Galgaduud’Hiiraan’Shabeelada hoose iyo Jubbooyinka ayaa ka mid ah goobaha sida tooska ah kaga socota qeybinta Zakada Xoolaha nool taasi oo si weyn ay kaga faa’ideysanayaan boqolaal ruux oo isugu jirta Masaakiin iyo Fuqaro.
Maalintii Labaad waxaa saaka howlaha qeybinta Zakada Xoolaha nool kaga socotaa fagaarayaal ku yaala degmada Buq’aqable iyo deegaanka Shaw oo ka wada tirsan gobalka Hiiraan.
Degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobalada Galgaduud’Jubbooyinka iyo Shabeelada hoose ayeey wali ka socotaa qeybinta Zakada Xoolaha nool.
Sidoo kale qabanqaabda qeybinta Zakada Xoolaha nool waxey ka socotaa degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobalada Mudug’Sh/dhexe’Gedo iyo Baay iyo Bakool.
Halkan Ka Dhageyso Waaliga Galgaduud Iyo Qeybinta Zakada Xoolaha Nool.
Halkan Ka Dhageyso Fuqarada Galgaduud Ee Zakada La Siiyay.
Halkan Ka Dhageyso Sida Hiiraan Wali Kaga Socota Qeybinta Zakada Xoolaha Nool.
Halkan Ka Dhageyso Sida Jubbooyinka Zakada Looga Qeybiyay.
Calamada.com