Waxaa sii kordhaya khasaara dowlada Nasaarada Uganda lagu gaarsiiyay dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Numbar_50 ee gobalka Shabeelada Hoose.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi lagu dilay labo Yugaandheys ah oo mid ka mid ah sarkaal yahay’waxaa sidoo kale dagaalkaasi lagu dhaawacay 6 askari oo ka mid ah askarta dowlada Yugaandha.
Sidoo kale Idaacada Islaamiga ah ee Andalus waxey intaasi ku dartay in dagaalkaasi lagu dilay 6 askari oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka oo labo saraakiil tahay’sidoo kale waxaa dagaalkaasi lagu dhaawacay 12 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Dagaalkan oo socday inka badan saddex saac oo xiriir ah waxa uu ka dhacay agagaarka deegaanka Numbar 50 ee gobalka Shabeelada hoose dagaalkaasi oo bilowday kadib markii shisheeyaha isku dayeen iney dhaqdhaqaaq ka sameeyaan duleedka deegaankaasi.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Dagaalkaasi.
Calamada.com