Afhayeenka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Islaamiga Andalus ayaa si aad ah kaga hadlay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel-cabdi oo u dhaxeeya Camaara iyo Caad oo ka wada tirsan gobalka Mudug.
Sheekh Abuu Muscab ayaa xusay in dagaalkaasi uu dhexmaray ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaat laga soo kala uruuriyay deegaano ka kala tirsan Mudug’Galgaduud iyo gudaha magaalada Muqdisho.
Abuu Muscab waxa uu sidoo kale carabaabay in dagaalkaasi lagu dilay 10 ka tirsan maleeshiyaatkii lasoo aruuriyay oo saddex ka mid ah meydadkooda wali ay yaalaan goobta lagy dagaalamay.
Dhanka kale afhayeenka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax culus oo maanta kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka lagula beegsaday wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye’waaxaana uu Sheekha sidoo kale tafaasiil ka bixiyay la wareegidii Mujaahidiinta ay la wareegeen xerada Laanta Buuro.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Abuu Muscab.
Calamada.com