Dowladda Saliibiyadda ah ee Uganda ayaa sheegtay in ay wado qorshe ay ku daadgureyneyso ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya, islamarkaana lagu soo gabagabeynayo duulaanka sagaal sano jirsaday ee ay ku soo qaaday dalkan Muslimka ah sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Military-ga Uganda iyo Diblumaasiyiin reergalbeed ah.
Arintan ayaa lala xiriirinayaa in ay salka ku heyso khilaaf soo kala dhexgalay Dowladaha Afrikaanta ee ciidamada u soo diray Soomaaliya iyo Gaalada reergalbeedka ee dhaqaalaha ku taageera howlgalkaas kaas oo yimid markii dhawaan midowga Yurub uu jartay qeyb ka mid ah dhaqaalihii ku bixi jiray howlgalka, sidoo kalena muddo 7 bilood ah aysan bixinin Mushaaraatkii la siin jiray ciidanka.
Warbaahinta dalka Uganda iyo qaar ka mid ah kuwa reergalbeedka oo shaley si aad ah u hadal hayey qorshahan ayaa sheegay in Uganda ay iminka dib u eegis ku sameyneyso sida ugu fudud ee lagu soo afjari karo joogitaanka ciidankooda ee Soomaaliya, waxaana warbaahinta qaarkood oo soo xiganaya ay ilo wareedyo dowladda Uganada ka tirsan ay sheegayaan in howshaas loo xil saaray gudi gaar ah oo ka soo tala bixin doona.
Afhayeenka ciidamada Uganda ee UPDF-ta gaal Pady Akunda ayaa xaqiijiyey in uu jiro qorshahan, wuxuuna tilmaamay in gudiga loo xilsaaray ay qiimeyn ku sameyn doonaan xaalada, ayna ka soo tala bixin doonaan, wuxuuna tilmaamay in la raaci doono qiimeynta uu keeno gudigaas.
“Uganda waxay xilligan qiimeyn ku sameyneysaa ku lug lahaanshiyaha ciidankeeda ee AMISOM. Weli lama qaadan go’aanka ah in ciidamadeena aan kala soo baxno Soomaaliya, laakiin gudi gaar ah baa loo xilsaaray arintaas, waana la qaadan doonaa talooyinka ay keenaan gudigaas†ayuu gaal Pady Akunda ku soo qoray Account-ga uu ku leeyahay Twitter-ka.
Warar kale oo xog ogaal ah oo ay soo xiganeyso warbaahinta reergalbeedka ayaa tilmaamaya in madaxweynaha Uganda Yuweri Musaven uu dhawaan diblumaasiyiin reergalbeed ah u sheegay suuralgalnimada in ciidamadooda ay kala soo baxaan Soomaaliya, ayna soo afjaraan duulaanka ay ku joogaan Soomaaliya.
Musaven wuxuu sidoo kale sheegay in go’aankan uu saameyn doono ciidamadiisa ku sugan Afrikada dhexe ee ka hoos dagaalama ciidamada Faransiiska ee duulaanka ku qaaday dalkaas horaantii 2013-kii, Wuxuuna tilmaamay in ay suuragal tahay in labada howlgalba la soo afjaro waqti dhow.
Gudiga difaaca iyo arimaha gudaha ee dowlada Uganda ayaa dhawaan xukuumada ka dalbaday ay soo gudbiso warbixin dhameystiran oo ku saabsan howlgalka ciidamadooda ee Soomaaliya iyo qarashka ku baxa, Iyagoo sidoo kale ku baaqay in jawaab deg deg ah laga bixiyo ciidamada aan mudada 7 bilood helin Mushaaraatka ee ku sugan Soomaaliya.
Gudigan ayaa sheegay in xukuumada looga fadhiyo in ay baarlamaanka horkeento warbixin dhameystiran, iyagoona tilmaamay in ay muhiim tahay in la ogaado ujeedka ciidankooda ay u joogaan Soomaaliya iyo faa’idada ugu jirto.
Uganda waa dowladii ugu horeysay oo ciidamadeeda ku soo daadgureysa Soomaaliya iyadoo mataleysa isbaheysiga Kufaarta Afrikaanta, waana dowladda ciidamada ugu badan ay kaga jiraan isbaheysigaas. Waxay ciidamadeeda ku sugan Wilaayaatka Banaadir iyo Sh/hoose halkaas oo ay ka gashay dagaaladii ugu culsaa oo ay ku weysay kumanaan askari.
Hadalkan cusub ee ka soo yeereysa wuxuu hoosta ka xariiqayaa halka uu gaarsiisan yahay heerka dhiigbax ee ay kala kulantay dagaalka ay kula jirto Mujaahidiinta iyo culeyska soo wajahi kara haddii reergalbeedka laga waayo dhaqaalihii ku bixi lahaa howlgalkooda.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.
Calamada.com