Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa Faah faahin dheeri ah ka bixisay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka degmada Dhoobleey gobolka Jubbada Hoose.
Sheekh C/Raxmaan Xudeyfa oo ah waaliga Jubbooyinka ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Islaamiga Alfurqaan uga warbixiyay khasaaraha ciidanka Kenya kasoo gaaray dagaalkii Maanta.
Wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay Kenyaatiga ka gubeen laba gaari oo midi ahaa xamuul saad kala duwan ku rarnaa halka midka kale uu ahaa gaari gaashaaman.
Sh.Raxmaan Xudeyfa wuxuu xaqiijiyay in dhimasho iyo dhaawac ay ciidanka Kenya kasoo gaareen weerarkii cuslaa ee ku qabsaday duleedka degmada Dhoobleey waxaana goobta dagaalka gaaray diyaarado dagaal oo daad gureeyay dhaawacyo iyo Meydad.
Wuxuuna xaqiijiyay in dhammaan weeraradaasi ay fashilmeen walina ay ciidanka Mujaahidiintu feejignaan kujiraan si ay isaga difaacaan hujuum kasta oo cadawga uga yimaad.
Halkan ka dhageyso Wareysiga MP3