Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaansho ah ay ka taagantahay degmada’iyadoona si toos ah gudaha degmada uga shaqeynayo maamulka Islaamiga ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Raayada Towxiidka ayaa ka babaneyso degmada’iyadoona bulshada ku dhaqan Janaale ay ku soo tooseen amni iyo nabad ka jirta degmada’waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee suuqa degmadaasi.
Maalintii shalay ayaa mudo kooban waxaa gacan ku heynta degmada Janaale la wareegay ciidamada Kufaarta AMISOM iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona markii dambe shisheeyaha ay gabi ahaan isaga carareen degmadaasi.
Degmada Janaale ayaa ka mid ah goobaha ay ka dhaceen weerarada sida ba’an loogu xasuuqay askarta Kufaarta AMISOM ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah Konfurta iyo Bartamaha dalka Somali.
Halkan Ka Dhageyso Xaalada Degmada Janaale.
Calamada.com