Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso+Akhriso Abwaan Cabdullaahi Soomaali Oo Gabay Ka Tiriyay Maamulka Farmaajo.
  • Allposts

Dhageyso+Akhriso Abwaan Cabdullaahi Soomaali Oo Gabay Ka Tiriyay Maamulka Farmaajo.

calamada February 28, 2017 2 min read
102
FarmaajoAbwaan Wariye Cabdi Llaahi Yaasiin Jaamac Soomali ayaa tiriyay gabay cusub uu kaga hadlay Maamulka daba dhilifka Farmaajo iyo sida uu Farmaajo ugu caanbaxay ka shaqeynta danaha dowlada Nasaarada Mareykanka.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Gabayga Abwaan C/llaahi Somali.

Halkan Hoose Ka Akhriso Gabayga Abwaan Soomaali.

Dulmigii la feegaaro ee feerma lagu jiido,
Naxligii la fuurshaahu waa fugan insha allaahe,
Kolkaasey awooddii fufneyd kala furmeysaaye,
Xaquna intuu sii fidoow faafka wadayaaye,
Faalka iyo dhashiikaa iyo weliba faarowga,
Falaaraa wixii loo subkoow Faahin garayaaye,
Faral iyo jihaad baa inaga fuulay dhaladeene
Fadhi nooma yaalee inaan fulina weeyaane.
Kol hadaan firin nabadahoo fiixle heli waayay,
Falastiin ilaa xamar haddii la isku feenaayo,
Firaash lagu gama’aa iyo hurdo igu filloon daaye,
Fajarkiyo aroortiyo harkii amase fiidkiiba,
Halka aan fariistaba haddii laygu fara saari,
Oonan xubin fayooboo laheyn faashad lagu duubin,
Faruuryuu haday xiran yihiin figana lay dhuujay,
Cowraday haday feytantoo la I fadeexeeyo,
Fara gelinta joogtada anoo ka fal celinaaye,
Landhan fooqyadeedii iyo ruushka furihiisa,
Waa inaan farjiiniyo gubiyo teerya faransiiska.
Intaasi fariin iyo tusmiyo faaqidaad huban dheh,
Toggi faafaneed iyo furaad oo fatahayaa dheh,
Fareejiyo nal aan kuu shidiyo fiijin iyo baaq dheh,
Adiguna fudeyd lama rabee fiiri taladeyda,
Farsamada xigtii kuu hadhaan kuu fandhaal dariye.
Ferenjiga furqaan caayiyo faajirkiyo eeyga,
Iyo feyl intii kula jiree ferenbigoodiiye,
Marki faraska loo koray dagaal ee la fadal qaaday,
Firxadkoodi aawgiisi bay fiintu oloshaaye,
Foolkaanadi janaale iyo fiiggi iyo roorki,
Kulbiyoow falkiisi iyo kala faniinkiisi,
Ceel cadde fagtii hore wixii firirsanaa meesha,
Furuntii jamaacee tigree foolka lagu diiray,
Leego wixii fuq yiiliyo qadaad faayo iyo dhoolo,
Westi geyd filinkeediyo dhiigi falaqleeyay,
Wixii meyd la fooraariyoo fuuray baad garan’e,
Ha yeeshee war baan kuu furaa aad ku faraxdaaye,
Fasalkaan waxaan maaganaa taa ka fara weyne,
Murtad iyo fircoonada wadaa fooda lays dariye,
Xaajada fudeyd iyo markii fiicni laga waayo,
Fuleynimada waa lagu yaqaan iyo fagaareyne,
Kobti ay fagtaanoo galaan faaga baa xigiye,
Insha allaah wixii aan falkiyo waa fajici uunku.
Intaasi fariin iyo tusmiyo faaqidaad huban dheh,
Toggi faafaneed iyo furaad oo fatahayaa dheh,
Fareejiyo nal aan kuu shidiyo fiijin iyo baaq dheh,
Adiguna fudeyd lama rabee fiiri taladeyda,
Farsamada xigtii kuu hadhaan kuu fandhaal dariye.
Faqla orodka faataa dhugtiyo fiira li qowl ah,
Calmaaniga fagaara la yimi faanka iyo tookha,
Faq faqdiisu waa badatiyo waa fir jarayaaye,
Falka naxiisa baan sugi iyo faashil iyo ceebe,
Ha soo fuulo geenyada ragbaa fooruhuu tegay’e.
Shareecada nin fowdiyo u qaba fin iyo boog daahay,
Ibliis furundugleyn baa arladi soo fakoocsaday’e,
fidma walaha soo fooganee faasaq iyo tuuga,
Fasaad iyo waxaa loo igmaday feyrus gaalnimo’e,
Fariidkiyo fogaan aragiyo weliba foolaadka,
Fahma qabaha waa diidayaa faalla bixiyaaye,
Fara gelin shisheeyuhu wadoow foox u shidayaaye,
Waa fanaan u heesoo kaloo una far jaawshaaye,
Shaarubada ninkaa firinayee farac maraykaana,
Fikradaha taraamuu sidaa oo fasaxayaaye,
Gobanimada uu sii fogeyn waa la soo furan’e,
Farmaajiyo intii raacda ee ficil yuhuudeed leh,
Waa in faasku gooyoo rasaas lagu faruuraaye.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Falaqeynta Walaaca Dowlada Mareykanka Ka Muujisay Kobaca Shabaabul Mujaahidiin.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo. 01-06-1438Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.