Dhalinyaradaan oo ku jira xabsiya ku yaalla dalka Liibiya ayaa sheegay in ay la kulmeen dhibaatooyin xoogan oo ay ugeystaan maleeshiyaad Liibiyaan ah.
Dhalinyaradaan ayaa intaasi ku daray in xaaladooda nololeed ay aad u liidato islamarkaa ay la kulmaan xadgudubyo isku jira jirdil iyo nolol xumo aad u daran.
Boqolaal dhalinyaro Somali ah ayaa ku dhibaateeysan dalka Liibiya kuwaasi oo halkaasi u aaday Tahriib si ay u tagaan dhulalka gaalada ee reer galbeedka.
Badweynta u dhaxeeysa Liibiya iyo Talyaaniga ayaa bil walba waxaa ku dhammaada dhalinyaro Somali , Kuwaasi oo ah Tahriibayaal iyo kuwa kale oo ka soo jeeda dalalka ku yaalla Qaarada Africa.
Dhalinyaraadsi ku le’anaysa badaha waxaa sii dheer , kuwa kale oo ku jira xabsiyada dalka Liibiya kuwaasi oo muddo sanado ah la kulmaya dhibaatooyin kala duwan iyadoona qaarkooda ay ku dhex geeryoodaan Xabsiyada gudahooda .
227 total views, 2 views today