Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Shabeelada Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Shabeelada Hoose.

calamada June 8, 2019 2 min read
74

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay diyaarad aan duuliye laheyn dhowr habeen ka hor ay dad shacab ah ugu geysatay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Tooratooroow ayaa sheegaya in ciidanka cirka Mareykanka ay duqeeyeen guri ay deganayeen dad shacab ah oo kuyaal tuulada Kala Go’oow ee Shabeellaha Hoose.

Duqeynta waxaa ku dhintay hal qof shacab ah kaasi oo caan ka ahaa degmada Tooratooroow iyo duleedkeeda, Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Gaab Cismaan oo ahaa dalaal gaadiidka dadweynaha rara.

Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in diyaarad Drone ah ay laba gantaal ku dhufatay Macallim Ibraahim xilli uu ku sugnaa gurigiisa balse Alle mahaddii waxaa badbaaday qoyska intiisa kale balse waxaa jiray burbur gaaray Mooto iyo agab kale oo goobta yiillay.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa sheegatay duqeyntan qofka shacabka ah lagu dilay ee ka dhacday Tooratooroow, war qoraal ah oo kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ku dileen ruux Al Shabaab ah warkaas oo ah mid been ah.

“Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay  Ibraahim Cabdi Gaab Cismaan oo ahaa nin caan ka ahaa degmada Tooratooroow, isagoo ku sugan gurigiisa ayaa la duqeeyay wuxuuna ahaa dalaal gaadiidka dadweynaha rara oo dadka dhan ay wada yaqaanaan” ayuu yiri qof deegaanka ah oo warbaahinta lahadlay.

Labadii sano ee lasoo dhaafay dowladda Mareykanka ayaa duqeymo laayaan ah ka geysanaysay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana badanaa duqeymahaas lagu beegsadaa dadka shacabka ah.

Gobolka Sh/hoose waa meelaha ugu daran ee diyaaradaha Drone-ka ay shacabka ku duqeeyaan, taliska Africom ayaa duqeymahaas ku sheega in ay ku beegsadaan Al Shabaab iyagoo iska dhega tiraya caddeymaha ka imaanaya dhulka.

Hay’ado reergalbeed ah ayaa warbixinno ay soo saareen sanadkaan gudihiisa waxay kusoo bandhigeen qeyb yar oo kamid ah xasuuqa uu maamulka Trump ku hayo shacabka Soomaaliyeed.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Diyaarad Mareykanka Looga Soo Riday Dalka Afghanistan.
Next: Sarkaal Daacad U Ah Imaaraatka Carabta Oo Ay Dileen Mujaahidiinta Al-qaacidah.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.