Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Dolarkii Lagu Laaluushay Xildhibaanada Miyaa Suuqa Khalkhaliyay Mise?!
  • Allposts
  • Warar

Dolarkii Lagu Laaluushay Xildhibaanada Miyaa Suuqa Khalkhaliyay Mise?!

calamada February 11, 2017 2 min read
110

maqaal3Kadib markii uu dhammaaday loolankii loogu jiray ninka noqonaya madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxa suuqyada Muqdisho qarqiyay malaayiin dolar oo lagu soo furay suuqyada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qiimihii dolarka dhulka galiyay isla markaana waxa khalkhal uu ku yimid ganacsigii magaalada.

Lacagta lagu laaluushay xildhibaanada iyo dadka ololaha la waday Musharixiinta ayaa waxa lagu qiyaasay inay ka badnayd boqol Malyan oo dolar. ($100,000,000) sababtoo ah musharixiintu aadbay u badnaayeen, Xildhibaanaduna aadbay u badnaayeen, qiimaha ugu yar ee xildhibaanada la kala siisanayay waxa lagu sheegay konton kun. ($50,000) waxa kale oo dhacday in xildhibaanada qaar ay dhowr musharax lacag ka qaateen.

In lacag la kala qaatay oo malaaayiin dolar la kala qaatay ma ahayn wax suuq madow ah ee waxay ahayd wax hotelada waawayn lagu bixinayay, gudidii loo xilsaarayna way caddeeyeen arrintaas, waxa kale oo lacagtaasi inbadan oo ka mid ah laga soo daldalay maamul goboleedyada sida puntland iyo konfurgalbeed oo madaxwaynayaashooodu rag gaar ah wateen, sidoo kale lacagta waxa bixinayay dowlado iyo hay’ado dan gaar ah ka leh Soomaaliya.

Tusaale ahaan Madaxwaynaha la doortay ee Farmaajo oo bulshada Soomaaliyeed aaminsantahay inaanu laaluus badan bixin, warbixinada hadda la helay waxay sheegayaan in dowladda Qadar ay lacag badan ku bixisay sidii uu usoo bixi lahaa Farmaajo, Sidoo kale Sirdoonka Maraykanka oo Farmaajo ay aad isugu fiicanyihiin ayaa isaguna lacag fiican bixiyay isagoo soo adeegsaday dowladda Qadar.

Hadaba dolarka xadigaas tiradiisu dhantahay intiisa badan wuxuu soo galay suuqyada magaalada Muqdisho oo an xamili karin dolar intaasi leeg, waxana hal mar dhulka tagay qiimihii dolarka, dolarka qiimihiisu inuu dhaco dhan marka laga fiiriyo way fiicantahay oo waa lacag Maraykan leeyahay, hase ahaatee dolarku sannadihii ugu dambeeyay wuxuu noqday lacagta koowaad ee Soomaalida, qof kasta biilkiisu wuxuu ugu jiray mobilka iyadoo dolar ah ama ha u yaraato ama ha u badnaato, waxa dhacday in dolarkiina dhulka galay qiimihii alaabtuna halkiisii ahaado, ganacsatada qaar waxay sameeyeen alaabtii dolarka ay ku gadayeen in ay qaaliyeeyaan.

Waxa kale oo is waydiin leh Duufaantan dolarka ah haddii ay dhammaato, qiimaha dolarku sidiisa ma sii ahaan doonaa mise halkiisii ayuu ku laaban doonaa, waa su’aasha la is waydiinayo, waana sababta ganacsatadu alaabta u rakhiisin wayday.

Waxan maqli jiray magaalada Xarardheere markii burcad badeedku ka talinayeen waxay ka nolol qaalisnayd magaalooyinka kale oo dhan, sababtoo ah waxay isticmaalayeen malaayiin lacag ah oo aysan iyagu shaqaysan, waxana u fududayd in lacag  kasta oo loo sheego alaabta ay ku gataan, taasi mid la mid ah ayaa maanta Muqdisho ka jirta oo xildhibaanadii waxay heleen lacag aysan shaqaysan, markaasaa waxay nolosha ku qaaliyeynayaan dadkii masaakiinta ahaa ee Muqdisho joogay.

Waxa kale oo xusid mudan in lacagta xadigaas leeg haddii lagu taakulayn lahaa dadka abaaraysan in ay ku filnaan lahayd raashinkooda iyo biyahooda dhowr bilood inta guga laga gaarayo, hase yeeshee waxa ceeb ah in waxaasoo lacag ah xaaraan lagu bixiyay, hadana tuugsi loo aadayo wadamada caalamka oo la leeyahay gaajo iyo abaarbaa na haysa.

 

Qoraha maqaalka

Sheekh Axmed-Aalasheekh

 

 

 

 

 

 

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Caalamulyowm. 14-05-1438 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Faafreebka Wararka. 15-05-1438 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.