Baarlamaanka Dowladda Saliibiyda ah ee Denmark ayaa isku raacay in 400 oo Askari oo tababarayaal ah iyo Sideed diyaaradeed oo kuwa dagaalka ah inay u diraan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, si ay uga qeyb qaataan howl-gallada halkaas ka soconaya.
Kulan ay yeesheen Baarlamaanka ayay waxay u codeeyeen Qorshe ay soo gudbisay Xukuumadda oo ahaa in Denmark ay ka qeyb qasho Isbaheysiga Saliibiga reer galbeedka ee duqeymaha ka wada dalalka Ciraaq iyo Suuriya, iyadoona 90 Xubnood oo Baarlamaanka ka tirsan ay aqbaleen qorshahaasi, halka 19 kalena ay diideen.
Ra’iisul Wasaaraha Denmark Gaalka lagu magacaabo Lars Rasmosson oo markii uu kulanku soo dhamaaday la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa uu yiri : “ Ururada Argagixisada waa inay la kulmaan Jawaab adag, si loo yareero khatarta ay ku yihihiin ammaankeennaâ€, isagoona intaas kusii daray in Dowladdiisu ay sidoo kale tababarro u fidin doonto Ciidamada Xukuumadda Shiicada ee dalka Ciraaq iyo Maleeshiyaadka daba dhilifyada ah ee Suuriya ku sugan.
Bartamaha Sanadkan aan ku jirno ayay Dowladda Wadanka Denmark qorsheyneysaa in Afar boqol Askari iyo Sideedda diyaaradood ee nooca dagaalka ah ay u dirto Wadamada Ciraaq iyo Suuriya, iyadoona Xukuumaddu ay sheegtay in Ciidamadaasi aysan ka qeyb qaadan doonin howl-gallo dhinaca dhulka ah, balse ay tababaro siin doonaan, islamarkaana ay caawin doonaan Ciidamada Maamulka Shiicada ee dalka Ciraaq iyo Kooxaha reer galbeedka ku xiran ee ka dagaallama dalka Suuriya.
Dowladaha reer galbeedka ee uu hoggaaminayo Mareykanka ayaa bartamihii Sannadkii 2014-kii waxay ku dhawaaqeen Isbaheysi Caalami ah oo ka dhan ah Jamaaaatka Jihaadiga ah ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxayna diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysigaasi geystaan duqeymo xagga Cirka ah, si ay isugu dayaan inay u wiiqaan awoodda xoogagga Mujaahidiinta ee Waddamadaas ka dagaallamaya.