Amaanka garoomada waaweyn ee dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyey maanta oo isniin ah ka dib markii ay soo baxday warbixin cusub oo sheegeysa in mujaahidiinta AlShabaab ay abaabulayaan weeraro ka dhan ah garoomada caalamiga ee ku yaalla wadankaasi.
Macluumaadkan oo laga helay maamulka Amniga ee garoomada Kenya ayaa tilmaamaya in weeraradan la filayo dhamaadka bisha February illaa bilowga bisha Maarso ee soo socota, iyagoona sheegay in 11 dagaalyahan loo soo diyaariyey loona soo tababaray fulinta weeraradaas.
“Shan ka mid ah weeraryahanadu waxay beegsan rabaan garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ama garoonka Wilson ee isla magaalada ku yaalla, halka inta soo hartayna ay beegsan doonaan garoomada ku yaalla gobolka xeebta ee uu ugu horeeyo garoonka Moi International ee magaalada Mombassa” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Amaanka ee garoomada Kenya.
Warbixintan oo uu ku saxiixnaa madaxa amniga ee garoomada Eric Kiraithe, kuna asteysneed 26-ka February, ayaa sidoo kale lagu sheegay in weeraryahanada ay beegsan doonaan diyaaradaha maxaliga ah ee isaga kala gudbaya garoomada diyaaradaha ee wadanka, ayna doonayaan in ay isku dhex qarxiyaan xilliyada ay soo caga-dhiganayaan garoomada.
Digniintan ka soo baxday dowladda Kenya ee ku aadan cabsida laga qabo weeraro ay mujaahidiinta markale ka fuliyaan gudaha Kenya, waxay ku soo aadeysaa iyadoo dhawaan taliyaha guud ee Police-ka Kenya uu sheegay in qatarta laga qabo weerarada mujaahidiinta ay weli baaqi ku tahay dalkooda, Islamarkaana marwaliba la filan karo weeraro culus.
“Macluumaad dhab ah ayaa tilmaamaya in Alshabaab ay weli u xamaasadeysan tahay in ay na soo weerarto oo ay bartilmaameedsato xarumaha hay’adaha amniga, iyo bartilmaameedyada nugul ee waqooyiga wadanka, gobolka xeebta, iyo magaalooyinka waaweyn” ayuu yiri Joseph Boinnet oo ah taliyaha Police-ka Kenya.
Xarakada mujaahidiinta AlShabaab ayaa weeraro lagu hoobtay ka fulisay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya afartii sano ee la soo dhaafay, wixii ka dambeeyey markii ciidamada Kenya ay duulaanka ku soo galeen dalkan Muslimka ah ee Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in dadka badan 500 oo ruux oo gaallo ah lagu dilay weeraradii kala duwanaa ee mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha Kenya tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 2011, xilligaas oo mujaahidiintu ay bilaabeen weeraro Xuduud-Jarid ah oo looga jawaabayo duulaanka dowladda Kenya.
Kkkkkkkkkkkkkkkk
War gaaladu baqa ogaa!
Boroortoodu kululaa
Baaqeenna hadalkiyo
Balanqaadyadenuna
Been been la dhoobiyo
Bushima qaad ula ekaa
Markeey bugtu yeedhana
Bar baar shidan in aan nahay
Balshadayadu ma aragtaa