Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi ay ka dhacday duqeyn taasi oo faahfaahin laga helayo.
Duqeynta ay ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin madaafiic ku garaaceen saldhiga maleeshiyaatka Murtadiinta ee Baar-sanguuni.
Madaafiicda ayaa ku dhacay gudaha saldhiga taasi oo sababtay khasaara kala duwan oo maleeshiyaatka Ridada Bangarafta iyo kuwa Jubbo land kasoo gaartay duqeyntaasi.
Jugta madaafiicda lagu garaacay saldhiga Baar Sanguuni ayaa si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Calamada.com
468 total views, 2 views today