Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay lagu qaaday mid kamida xildhibaannada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.
Xalay fiidkii ayay xoogag hubeysan weerar ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka deganaa Xildhibaan Carfo Ibaahim Aadan, weerarka oo loo adeegsaday Bambaanooyin gacanta laga tuuray ayaa sababay dhimashada 2 askari oo ilaala ka ahaa hoyga la weeraray.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyada kadib ay maqleen rasaas xooggan oo ay isweydaarsanayeen xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada ilaalada u ahaa xildhibaan Carfo Ibraahim, ugu yaraan Labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen weerarka.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo sida lagu sheegay war kooban oo xarakada kasoo baxay, weerarkan ayaa qeyb ka ah silsilado weeraro ah oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay xarunta gobolka Baay.
648 total views, 2 views today