Iyadoo saaka qarax culus iyo weerar Inqimaasi ah lagu qaaday xarunta taliska maleeshiyaatka Taraafikada dowlada Ridada federaalka ee degmada Shangaani ayaa waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 9 askari oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka lagu dilay weerarka islamarkaana tira kale lagu dhaawacay,
Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa xaqiijiyay in weerarka lala helay bartilmeed gaar ah oo si aad ah loo doon doonayay’waxaana taliska uu ku hanjabay iney si joogta ah u beegsanayaan xarumaha shisheeyaha Kufaarta iyo kuwa dowlada federaalka.
Idaacadda Andalus ayaa baahisay in qaraxa kowaad loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay Mujaahid istish-haadi kaasi oo ka dhacay albaabka hore ee xarunta kadibna waxaa gudaha u daatay ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta oo goobta ka agdhawaa.
9 kamid ah gaadiidka caafimaadka ayaa Dhaawacyo iyo Meydadka ka daad gureeyay xarunta Taraafikada iyadoona ciidamo farabadan lagusoo daadiyay goobta wax ka dhaceen kuwaasi oo gabi ahaan xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xaruntaasi.
Calamada.com
waa wax aan Ku farxayno allh haka aqablo shahadadooda ee u badiya weerarka
ASC
Meeshaan ugu jeclaa ee aaan rabey in la xanuujiyo maanteey galeen shabaabul mujaahidiin shabaabul,Nimanka taraafikada lagu sheego waa qaaimiin tuuga oo dadka muslimiintaa baad ka qaado,Guuuuuul shabaaaabuul mujaaaahidiiiiin