Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka lagula beegsaday isbaaradaha dowlada ee isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Dhawaaqa qaraxa waxaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Lafoole.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago taasi oo lagu aasay goob qaadka ay ku qeybsanayeen maleeshiyaatka dowlada federaalka oo ku taala isgoyska Ex-control Afgooye.
Sarkaal u hadlay maamulka dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa ay kaga dhinteen 6 askari balse wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in dowlada federaalka looga dilay 8 askari.
Sidoo kale tiro ka tirsan askarta Murtadiinta ayaa iyaguna ku dhaawacmay qaraxa kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin oo la dhigay isbitaalada Muqdisho.
Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’waxeyna Xarakadu wacad ku martay iney sii xoojineysa weerarada ka dhanka ah dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.