Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Hogaamiyihii Ugu Horeeyey Ee Dowlad Carbeed Oo Booqday Dimishiq, Tan Iyo Sanadkii 2011ka.
  • Allposts
  • Warar

Hogaamiyihii Ugu Horeeyey Ee Dowlad Carbeed Oo Booqday Dimishiq, Tan Iyo Sanadkii 2011ka.

calamada December 17, 2018 2 min read
53

Booqasho kedis ah ayuu magaalada Dimishiq ee caasimadda wadanka Suuriya ku tagay madaxweynaha wadanka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay halkaas.

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa gaaray magaalada Dimishiq, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad.

Warbaahinta ayaa soo bandhigayay labada madaxweyne oo si kal iyo laab ah isku marxabaynaya, waxaana Al-bashiir loo sii galbiyay madaxtooyada uu magaalada Dimishiq ka deganyahay Bashaar Al-Asad.

Shira jaraa’id oo wadajir ay u qabteen Al-Asad iyo Al-bashiir ayay ku sheegeen in xiriirka labada dowladood ay sii xoojin doonaan, islamarkaana ay si mideysan ay uga wada shaqeyn doonaan xoojinta cilaaqaadka labada dowladood.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay in nidaamka Bashaar uu la kulmay shirqoollo badan, balse uu adkeystay, lana gaaray waqtigii shacabka Suuriya ay go’aan ka gaari lahaayeen masiirkooda, taas oo u muuqata mid uu sharciyad ku siinayo gabood fallada uu Nidaamkaas u geystay todobadii sano ee lasoo dhaafay shacabka muslimka ah ee Suuriya.

Bashaar Al-asad, wuxuu dhankiisa sheegay in dowlado badan oo carbeed ay isku dayeen iney maquuniyaan jiritaanka nidaamkiisa, balse iyagu ay weli aaminsanyihiin wuxuu ugu yeeray carabnimada.

Shacabka Suuriya ayaa aad uga soo horjeestay booqashada madaxweynaha Suudaan uu ku tagay magaalada Dimishiq, taas oo ay ku tilmaameen iney tahay mid muujineysa sida dowladda Suudaan ay ugu faraxsantahay dhibaatada todobo sano jirstay ee Bashaar Al-asad uu ku hayo shacabka Suuriya.

Waxaa laga cabsi qabaa xaaladda ay ku dambeyn doonaan qoysas badan oo kasoo jeeda Suuriya, kuna sugan dalka Suudaan, kuwaas oo ay dhici karto in loo gacan geliyo Nidaamka, maadaama uu nidaamku u arko dadkaas iney yihiin kuwa kasoo horjeeda jiritaankiisa.

Madaxweynaha dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee carbeed ee booqasho rasmi ah ku taga magaalada Dimishiq, tan iyo sanadkii 2011-ka, kolkaas oo shacabka Suuriya billaabeen kacdoon jihaadi ah oo ka dhan ah nidaamka Bashaar Al-asad.

 435 total views,  2 views today

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Subaxnimo 10-04-1440 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo-10-04-1440 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.