Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 50 Askari Kenyaati Ah Oo Lagu Dilay Dagaalka Kulbiyow.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 50 Askari Kenyaati Ah Oo Lagu Dilay Dagaalka Kulbiyow.

calamada January 27, 2017 1 min read
79

vlcsnap-2017-01-18-10h07m52s12Waxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Nasaarada Kenya lagu gaarsiiyay dagaal culus oo saaka aroortii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhigyada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow iyo duleedka deegaankaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa si hordhac ah u baahisay in dagaalkaasi lagu dilay 57 askari oo Kenyaati ah kuwaasi oo meydadkooda ay daadsanyihiin goobta dagaalka uu ka dhacay’iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay.

Sidoo kale Andalus ayaa intaasi ku dartay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen Ganiimo fara badan sida keydkii hubka ee ciidamada Kenya iyo tobaneeya gaadiid dagaal ah oo ciidamada Nasaarada Kenya kaga carareen saldhiga.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda xaqiijiyay in ciidamada Kenya si ba’an loogu xasuuqay dagaalka saaka ka dhacay deegaanka islamarkaana meydad fara badan oo askarta Kenya ah ay daadsanyihiin  duleedka deegaankaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa intaasi ku daray in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kulbiyow sidoo kalane gacanta ay ku dhigeen saldhigii ciidamada Kenya iyo waxii hub iyo gadiid ahaa ee yaalay gudaha saldhigaasi.

Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah gaalada kusoo duushay dalka Somaliya ayaa weeraro culus oo xasuuq ah kala kulma dhanka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona sanad ka hor ay aheed markii ku dhawaad 200 askari Kenyaati ah lagu dilay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobalka Gedo.

Calamada.com

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Shabaabul Mujaahidiin Oo Si Buuxda Ula Wareegay Deegaanka Kulbiyow.
Next: Dhageyso: Waa Kuma Katiibada Fulisay Weerarkii Kulbiyoow, Waana Imisa Qasaaraha Dhimasho?

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.