Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha dowladda Ridada.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Axmed Suleymaan kaasi oo ku dhintay isla goobta uu weerarka ka dhacay.
Sarkaalkan la dilay ayaa ka mid ahaa saraakiisha dhanka Amaanka ee garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana mas’uuliyadda dilkiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay dileen taliyihii ciidamada Booliska degmada Wardhiigley kadib howlgal ay ka fuliyeen agagaarka saldhiga Wardhiigley.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu’ Somalia.
608 total views, 2 views today