Waxaa sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Ereteria kaasi oo laba maalmood ka hor ka bilaawday xadka ay labada wadanka wadaagaan.
Markii ugu horraysay dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeedu ay galeen dagaallo culus oo dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.
Afhayeen u hadlay xukuumadda Nasaarada Itoobiya ayaa wakaaladda Wararka AFP u sheegay in dagaallo culus ay ka socdaan deegaano xuduudda kulaala.
“Ciidan badan ayaa ku dhintay dagaalka ka socda xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Ereteria balse khasaaruhu wuxuu ku badanyahay dhanka Xukuumadda Asmaraâ€ayuu yiri Jitacho Rida oo u hadlay dowladda Itoobiya.
 Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkii shalay ka dhacay xadka ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradaha qumaatiga ukacay iyo kumanaan katirsan ciidanka Melleteriga.
Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in labada dowladood ay ciidamo dheeri ah ku daad gureeyeen goobta dagaalka waxaana lafilayaa in dagaalkan cusub uu saameyn ku yeeshay duullaanka ay ciidanka Itoobiya kusoo qaadeen soomaaliya.