Wararka laga helayo gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta AMISOM lagula beegsaday qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta magaalada Marka iyo degmada Afgooye’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan qaraxaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa la xaqiijiyay iney haleeshay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen askarta Kufaarta AMISOM.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in miinada ay burburisay gaari xamuul ah oo Kunteenar siday’waxaana sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar ka tirsan shisheeyaha.
Kolanyada qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay iney sahay u geeyeen shisheeyaha ku sugan duleedka degmada Baraawe oo ka mid ah goobaha Kufaarta iyo murtadiinta kaga sugan yihiin gobalkaasi.
Calamada.com